Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo shaacisay qorshe laba weji ah oo ku wajahan dagaalka Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onine) – Xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya oo maanta kulankooda caadiga ah ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxaa diiradda ay saareen howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Shirka ayaa waxaa guddoomiye Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, ayada oo inta badan ay goobjoog ahaayeen xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya.

ugu horreyn golaha ayaa boggaadiyey howlgallada billowday ee ka socdo dalka, gaar ahaan abaabulka shacabka ee ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Golaha ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay wasiirada difaaca iyo amniga oo faahfaahin ka bixiyey guulaha ay ciidanka dowlada ka gaareen howlgallada haatan socdo iyo qorshaha sugidda amniga iyo xasillinta deegaanada laga qabsaday dagaalyahanada kooxda Shabaab.

Sidoo kale golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga wasaaradaha ee loo xil-saaray howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo todobaadkii hore la magacaabay, waxayna soo bandhigeen qorshayaasha ay ka dejiyeen iyo waxqabdka illaa hadda ay ka sameeyeen doorkooda ku aadan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo kulanka ka hadlay ayaa  qorshaha xukuumaddiisa ku soo koobay laba arrimood oo kala ah:- in dalka oo dhan laga xoreeyo Al-Shabaab, kadibna la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada aas aasiga nolshada bulshada

“Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa tilmaamay in qorshaha Xukuumaddu yahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo argagixisada isla markaana degaan kasta oo la xoreeyey la gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada si deg deg ahna looga sameeyo maamul iyo kala danbayn,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ayaa horkaceysa howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab oo ah kuwii ugu cuslaa, waxaana toos ugu biiray shacabka gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Xamza-2.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 309362035_446153684280450_77710885674723 309381279_446153670947118_79613414488024 309508859_446153677613784_68341405349957 309508945_446153664280452_89237622028144 309528039_446153674280451_85245439312883 309541688_446153680947117_55725553741766 309616117_446153587613793_45422247161003 310045467_446154010947084_46952378885854

The post Sawirro: DF oo shaacisay qorshe laba weji ah oo ku wajahan dagaalka Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this