Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20220929_141043677-1440x960

Dagaal kharaar oo maanta ka dhacay deegaanka Ceel-qooxle ee gobolka Hiiraan ayaa dadku ku dhintay waxaa ka mid ah Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu caansan gobolkaas.

Al-shabaab oo dhawaan laga saaray deegaanka Ceel-qooxle ayaa la sheegay in ay saaka weerar culus oo qaraxyo ku bilowday ku qaadeen Ceel-qooxle, waxaana weli deegaankaas ka sacdo dagaal kharaar oo u dhexeeya Macawiisleyda iyo ciidanka dowlada oo dhinac iyo Al-shabaab.

Nabadoon Cilmi Hagar Guure ayaa ka mid ahaa odayaasha hormuudka ka ah dagaalada u dhaxeeya macawisleyda beesha Xawaadle iyo Al-shabaab oo mudooyinkii dambe ku dagaalamayay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraa

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka tacsiyeeyay geerida Nabadoon Cilmi Hagar Guure, wuxuuna marxuumka ku tilmaamay in uu caan ku ahaa ka shaqeynta nabadda, horumarka bulshada iyo dowlad-dhiska dalka.

PUNTLAND POST

The post Nabadoon caan ah oo lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this