Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan Abgaal oo ka horyimid damaca Siciid Deni ee doorashooyinka qof iyo cod

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1664443520629.jpg

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo maanta xilka wareejiyay ayaa si cad uga horyimid damaca madaxweyne Deni uu hadda ku doonayo hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

Wasiir Xasan Abgaal ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhici doonin doorasho qof iyo cod ah oo lagu raadinayo mudda kororsi ama sed-bursi.

Sidoo kale wuxu dhaliilay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax juxaa oo uu ku tilmaamay nin koox dowladda ka saaray si uu koox kale ugu soo daro.

Xasan Abgaal ayaa ku eedeeyay Juxaa in uu gef ku sameeyay isimada Puntland islamarkaana ku tilmaamay qawsaaro.

Waxaase Xasan tilmaamay in isagu arrintaas ka raalli-gelinayo isimada dhaqanka.

PUNTLAND POST

The post Xasan Abgaal oo ka horyimid damaca Siciid Deni ee doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this