Sign in to follow this  
Deeq A.

Baadhitaan Lagu Wado Dhuumaha Gaaska Geeya Yurub Ee La Qarxiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Midowga Yurub ayaa Arbacadii shalay shaaciyey in ay baadhi doonaan qaraxyo lagu burburiyey dhuumaha gaaska geeya dalalka Yurub ee loo yaqaan (Nord Stream) gaaska ka yimaada Ruushka ayaa soo hoos mara dhuumahaasi yaalla badda Baltic-ga, iyaga oo ku tilmaamay “weerar qorsheysan.”

Isniintii lasoo dhaafay ayaa la ogaaday in la burburiyey qeyb kamid ah dhuumaha gaaska badda hoos mara ee Nord Stream 1 iyo Nord Stream 2 meel u dhaw xeebta jasiiradda Bornholm ee dalka Denmark.

Salaasadii ayey khubarada sheegtay in burburka soo gaadhay dhuumaha gaaska ay u baddan tahay in loo adeegsaday qaraxyo lagu rakibay dhuumahaas.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa labaduba arbacadii shalay beeniyey inay wax lug ah ku leeyihiin burburka loo geystay dhuumahaasi.

Madaxa Midowga Yurub Ursula Von der Leyen ayaa salaasadii falkan ku tilmaamtay weerar toos ah oo lagu soo qaaday kaabayaasha tamarta Yurub, iyadoo sheegtay in EU-da ay jawaab adag ka bixin doonaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this