Sign in to follow this  
Deeq A.

Mo Faarax Oo Ka Hadhay Orodka London Marathon Kadib Dhaawac Soo Gaadhay

Recommended Posts

Deeq A.   

Orodyahanka Mo Farah ayaa ku khasabanaaday inuu uu ka hadho tartanka marathon-ka ee lagu wado inuu Axadda ka dhaco magaalada London sababo la xidhiidha dhaawac kasoo gaadhay sinta, iyada oo tani sii kordhineyso shakiga 39-sano jirkan ee ka qeybgalka tartamada mustaqbalka.

Ciyaaryahanka afarta jeer ku guuleystay billada dahabka ee Olombikada ayaa lagu waday inuu ordo tartankan markii ugu horreysay tan iyo 2019 kadib markii uu ku soo laabtay orodka, isaga oo ku fashilmay isku daygiisii ka qeybgalka Olombikada sannadkii hore ee Tokyo.

“Runtii si adag ayaan u tababaranayay dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana kusoo laabtay qaab ciyaareed wanaagsan. Waxaan dareemayay rajo wanaagsan oo ah inaan soo bandhigi karo qaab ciyaareed wanaagsan,” ayuu Faarax ku yidhi bayaan ay soo saareen qaban-qaabiyeyaasha marathon-ka London Arbacadii.

“Si kastaba ha ahaatee, 10-kii maalmood ee la soo dhaafay waxaan dareemayay xanuun iyo cidhiidhi xagga sinta midig ah, waxaan helay jidh-dhis iyo daawayn ballaadhan, waxaanan sameeyay wax walba oo aan kari karo si aan orodka uga qeybgalo, laakiin ma helin is bedel ku filan oo aan ku tartami karo Axadda.” ayuu raaciyay Mo Faarax.

Faarax waligiis kuma guuleysan tartanka Marathon-ka ee London saddex isku day oo hore, waxaana ka qeybgalkiisii ugu wanaagsanaa uu ahaa sannadkan 2018 markaas oo uu galay kaalinta saddexaad.

Horyaalka dalka Itoobiya ee Sisay Lemma iyo ninka ay isku dalka yihiin ee Kenenisa Bekele oo ah orodyahanka labaad ee ugu orodka dheereeya taariikhda marathon-ka ayaa ka mid ah kuwa ugu cadcad tartanka ragga.

AFP

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this