Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday Heshiis Horumarineed oo ku kacaya 86.7 Milyan

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday 86.7 Milyan USD oo lagu Horumarinayo Dimuqraadiyadda , Maaamulka, Xasilinta iyo Adkeysiga oo muhiimad gaar ah u leh dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Mareykanka, taageerada saaxiibtinimo, iyadoo la hubinayo in looga fa’ iideysto taageeradaan hannaankii loogu talagalay, iyadoo isla markaana la waafajinayo qorshaha horumarinta Qaranka.

Kulanka lagu kala saxiixanayay heshiiska oo ka dhacay xarunta Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda maaliyadda XFS, Dr; Cilmi Maxamed Nuur iyo Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya , Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday Heshiis Horumarineed oo ku kacaya 86.7 Milyan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this