General Duke Posted November 26, 2006 BAYDHABO: Xildhibaannada Baarlamaanka oo maanta kulan ku yeeshay Baydhabo Ansixiyayna Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah Posted to the Web Nov 25, 13:19 Baydhabo (PP) - Xildhibaannada Golaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ku sugan Baydhabo oo maanta xaruntooda kulan ku yeeshay ayaa waxay ku ansixiyeen Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Somalia. Guddigaan oo doodoodu soctay muddo dheer ayay maanta soo afjareen xildhibaannada baarlamaanka, waxaana qoraallo lagu qeexayo guddigaan loo qaybiyay xidhibaannada todobaadkii hore iydoo maanta ay ballantu ahayd inay ansixyaan ama diidaan, wayna ansixiyeen. Xildhibaannada ka so qaybgalay maanta kulanka lagu qabtay Xarunta ADC-da Baydhabo ayaa waxay gaarayeen 149-xidhibaan oo ay ka mid yihiin Wasiirradii hubeysnaa ee Xamar laga eryay, waxaana doodo dhaadheer kaddib ay isla ogolaadeen in la anisixiyo guddigaan. Ka hor intii aanay ansixin Xildhibaannadu guddigaan ayaa waxay ka dhageysteen warbixin Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi oo u amabaxay dalka Dibadidisa, waxaana uu ka codsaday xildhibaannada inay maanta ansixiyaan guddiga Shaqaalaha Rayidka ah. Guddiga Shaqaalaha Rayid ah ayaa waxa ku xiran Miisaaniyad sanadeedka Dowladda, waxaana tani ay sahlaysaa inay Dowladdu dajiso Miisaaniyad sanadeedkeeda caadiga ahaa si ay howlaheeda uga billowda xarunteeda Baydhabo. Maxamed Xuseen Jantiile Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites