Sign in to follow this  
Deeq A.

Sababta Maraykanku u xidhay weriye Soomali-Maraykana “Somali Born-American Citizen”

Recommended Posts

Deeq A.   

Sababta Maraykanku u xidhay weriye Soomali-Maraykana “Somali Born-American Citizen”

20220928_091827.jpg

Deeq Darajo oo ah wariye Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraynkanka ayaa la xiray, isagoo ka dhoofaya magaalada Chicago.

Wariye Deeq Darajo oo u shaqaynayay telefishinka Universal ayaa lagu eedeeyay in uu ka mid yahay dad lunsaday lacag dhan 250 milyan oo doolar oo loogu talagalay quudin carruur intii lagu jiray xannibaadihii Covid-19, lacagtaas oo ay bixisay dowladda federaalka Maraynkanka.

Wariye Deeq ayaa la sheegay in uu kiiskan soo geliyay nin ay qaraabo yihiin, xarunta warbaahineed ee uu ka shaqeeyana ay ka mid tahay meelaha lagu qaybiyay quudinta caruurta.

Dadka Soomaalida ah ee lagu eedeynayo lunsashada lacagtaas oo markii hore tiradoodu ahayd 47 qof ayaa sii kordhaya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay la qabtay dad lagu eedeyanayo kiiskaas oo ka dhoofaya Maraykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this