Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Baraawe oo waqti loo qabtay hal arrin darteed

Recommended Posts

Deeq A.   

Baraawe (Caasimada Online) – Maamulka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa amaro cusub kusoo rogay shacabka ku nool degmadaas, kuwaasi oo la xiriira dhanka amniga xili deegaano kamid ah maamulka Koonfur Galbeed ay ka socdaan howl-galo ka dhan ah ururka Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose Dr. Liibaan Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in marnaba maamulkooda uusan aqbali doonin in dadka shacab ah ay hub ku dhex heystaan gudaha degmadaas.

Guddoomiyaha ayaa u qabtay dadkaas inay muddo 24 saac gudahood ah kusoo wareejiyaan hubkaas aan ka diiwaan-gashaneyn degmada.

“Degmada laguma dhex haysan karo hub aan aqoonsi ka haysan degmada, waa in dadka soo wareejiyaan oo ciidamada ku wareejiyaan ama waa inay hubkooda kula dagaalamaan Al-Shabaab.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in qofkii ka dhega adeega amarkooda ay u qaadanayaan in hubkiisa uu ugu talo-galay inay ku dagaal-galaan ururka Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa imanaya xili uu si xawli ah u socda dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaasi oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanada.

The post Shacabka Baraawe oo waqti loo qabtay hal arrin darteed appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this