Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Wasiirka Waxbarashada oo ku dhowaaqay go’aan ka farxinaya kumanaan arday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa gebi ahaanba joojisay lacagtii ay wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ka qaadi jirtay ardayda qaadaneyso shahaadada dugsiga sare.

Wasiirka Wasaaradda waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa shaaciyey in wixii maanta ka dambeeyey aysan dhici doonin in ardayda laga qaadi lacagtii ay ku heli jireen shahaadada dugsiga sare maadaama uu sheegay in shaqadaas tahay mid laga rabo wasaaradda.

“Maadaama Imtixaanka iyo Shahaadada ay yihiin howl ay qabaneyso Wasaaradda Waxbarashada laga bilaabo maanta aanay Wasaaradda Waxbarashadu wax kharash ah ka qaadeynin Shahaadada Ardayda Dugsiga Sare,” ayuu yiri Wasiir Faarax Sheikh C/qaadir.

Wasaaradda ayaa ardayda dooneyso shahaadada dugsiga sare waxay ka qaadi jirtay lacag 25 Dollar ah oo ay usii dheereyd laaluush xad dhaaf ah oo laga qaado waalidiinta

Sidoo kale ardayda ayaa waxaa 15 dollar ka qaadi jiray iskuulka uu waxbarashada ay ka dhameystaan, wasaaradana lacagta iskuullada ay qaadaan kama aysan hadlin waxaana kaliya la joojiyey middii ay wasaaradda qaadi jirtay. Sidoo kale, 5 dollar oo ay qaado wasaaradda maaliyadda ayaa weli taagan.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa qiimo dhimis u sameysay ardaydii dugsiyada sare ka baxay wixii ka horeeyay 2015-kii ee aan galin Imtixaanka dowladda oo laga qaadi jiray 30 dollar, waxaynawasaaradda sheegtay in hadda kadib laga qaadi doono 5 dollar marka ay qaadanayaan shadaadada dugsiga sare ee Dowlada.

Tallaabadan ayaa bilow ah is beddelada uu wasiirku ku soo kordhinayo nidaamka Waxbarashada dalka oo ka mid ahaa balanqaadkiisa markii uu xilka la wareegay.

Faarax Cabdulqaadir waxaa loo arkaa wasiirka kaliya ee haya xil 100% ku habboon maadaama uu muddo 20 sano ka badan uu kasoo shaqeynayey waxbarashada dalka, xilli dalka uu dowlad la’aan ah, islamarkaana hay’adihii iyo dugsiyadii uu aas-aasay ay ka aflaxeen boqolaal kun oo arday.

The post Daawo: Wasiirka Waxbarashada oo ku dhowaaqay go’aan ka farxinaya kumanaan arday appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this