Sign in to follow this  
Deeq A.

Xasan sheekh iyo Abiy Ahmed oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16643717998582513.jpg

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo golehiisa xukuumadda.

Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan xasilloonida gobolka geeska Afrika iyo horumarka, waxayna xaqiijiyeen in wadahadalkaas uu miro-dhal ku soo dhammaaday.

Sidoo kale, wafdiga dowladda federaalka Soomaaliya ee madaxweynaha ku weheliyo boqashadan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Wasiiru-dowlaha madaxtooyada ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

PUNTLAND POST

The post Xasan sheekh iyo Abiy Ahmed oo kulan yeeshay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this