Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland: Taliye Muumin oo ku baaqay in laga qaybqaato dagaalka ku jihaysan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1664361364795.jpg

Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire ayaa ku baaqay in dhammaan laga wada-qayb qaato duullaanka ku jihaysan Al-shabaab.

Taliye Muumin ayaa bogaadiyay kacdoonka shacabka iyo gulufka is biirsaday ee lagu wiiqayo Al-shabaab kaas oo ka socda Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliyaha ayaa ku baaqay in aan kacdoonka shacabka oo keliya lagu fiirsan Al-shabaab islamarkaan dhammaan laga wada-qayb qaaato si meesha looga saaro kooxdaas.

Dhinaca kale wuxu ka hadlay kiisas dilal ah oo horay uga dhacay Gaalkacyo waxaana uu sheegay in dhammaantood loo hayo dad ku eedaysan Al-shabaab oo dhowaan maxkamad la keeni doono.

Halkan ka daawo Hadalka Taliyaha

PUNTLAND POST

The post Puntland: Taliye Muumin oo ku baaqay in laga qaybqaato dagaalka ku jihaysan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this