Deeq A. Posted September 28, 2022 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd gaadhay magaalda Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed. Waa safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tago dalka Itoobiya tan iyo intii dib loo soo doortay. “Itoobiya waxay si diirran kuugu soo dhawaynaysaa socdaalkan shaqo ee labada maalmood ah” ayuu bartiisa Twitter kusoo qoray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed kadib markii uu garoonka kusoo dhaweeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxtooyada Soomaaliya weli wax faah-faahin ah kama bixin safarka madaxweynaha ee Itoobiya. Source Share this post Link to post Share on other sites