Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo Lagu Soo Dhoweeyay Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah ugu billaabatay dalka aan dariska nahay ee Itoobiya, taas oo dhammeystir u ah socdaalka uu ku maray dhammaan dalalka Gobolka ee Soomaali heshiis la ah darsikeeda.
Wefdiga Madaxweynaha jamhuuriyadda waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Adis ababa si diiran ugu soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha Ethopia mudane Abey Ahmed oo ay yeelandoonaan wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan xal u helidda caqabadaha amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in dalalka Gobolku ay mideeyaan dadaalladooda ku aaddan dabar-goynta argagixisada Al-shabaab oo caqabad ku ah xasilloonida iyo nolasha shucuubta geeska Afrika, horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo wax-wada qabsiga.
309368379_497345189098759_80272008298836
308832136_497345272432084_50495515539271
308818661_497345232432088_59593982871529
309482755_497345242432087_47237810437506
309207325_497345202432091_43741036814110
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this