Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Dagaal Ka Dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Ugu yaraan 8-qof ayaa ku dhintay; waxaana ku dhaawacmay tiro kor u dhaafaysa 14-ruux, dagaal xooggan oo kooxo Malleeshiyooyin beeleed ah ku dhexmaray barqonimadii maanta bariga Magaalada Gaalkacyo.

 

Kooxaha dagaallamayay ayaa waxay isku haysteen dhul iyadoo dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkaas ay u badnaayeen dhinacyadii ay dagaalladu dhex-mareen balse wararka ayaa sheegaya in rayid ku jiro.

 

Rasaas xooggan ayaa laga maqlay inta u dhexeysa Kaam lagu magacaabo Buulo bacley iyo garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, iyadoo dagaalka aad u kululaaday daqiiqado kaddib markii uu qarxay.

 

Mas'uuliyiinta Isbitaallada ku yaalla Gaalkacyo ayaa waxay saxaafadda u sheegeen in dhaawacyo iyo dhimasho la gaarsiiyay labada Isbitaal, iyadoo dagaalkaas uu qaboobay saacad kaddib.

 

Dhaqaatiir ka tirsan Isbitaalka dhanka Woqooyi ee Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen in la soo gaarsiiyay isbitaalkooda dhimashada 5-ruux iyo dhaawaca 3-qof oo kale, halka dhaqaatiirta Isbitaalka koonfurta Gaalkacyo ay sheegeen in la soo gaarsiiyay 4-dhimasho ah iyo 8-dhaawac ah.

 

Inkastoo ay xiisaddu daggan tahay ayaa wararku waxay shegayan inay jiraan isku hub urursi ay wadaan malleeshiyooyinkii ku dagaalamay bariga Gaalkacyo iyadoo dhulkii lagu dagaalamay aysan jirin cid haatan si toos ah gacanta ugu haysa.

 

Maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxay billaabeen inay waanwaanno ka dhex sameeyaan dhincyada ay dagaalladu u dhexeyan, iyadoo dadalladoda la sheegay inaysan ahayn kuwo xal sameyn kara.

 

Beelaha dagaalamay ayaa kala ah Sacad iyo ***, waxana ilo ku sugan Gaalkacyo sheegeen inaysan jirin xiisado dhalin kara dagaal oo u dhexeeyay beelahaas, balse dagaalka dhexmaray uu ahaa mid lama filaan ah.

 

Belahaan ayaa horey ugu dagaalamey gobolka Mudug kuwaas oo gaystey dhimasho iyo dhaawac.

 

 

Garowe Online, Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this