Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo maanta xilka la wareegay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxaa ayaa maanta xilka la wareegay xilli laga sugayo dardar gelinta barnaamijka doorashooyinka qof iyo cod.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa  xilka ku wareejiyay wasiir Juxaa oo dhowaan mas’uuliyaddaas ay dhaarisay maxkamadda Rafcaanka Gobolka Nugaal.

Maxamed Dhabancad oo isna loo wareejiyay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu wadaa in uu maalinta berri ah xilka la wareego.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo maanta xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this