Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka: Maxay tahay sababta loo xiray wariyaha Soomaali ah?

Recommended Posts

Deeq A.   
20220928_091827.jpg

Deeq Darajo oo ah wariye Soomaaliyeed oo ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraynkanka ayaa la xiray, isagoo ka dhoofaya magaalada Chicago.

Wariye Deeq Darajo oo u shaqaynayay telefishinka Universal ayaa lagu eedeeyay in uu ka mid yahay dad lunsaday lacag dhan 250 milyan oo doolar oo loogu talagalay quudin carruur intii lagu jiray xannibadihii Covid-19, lacagtaas oo ay bixisay dowladda federaalka Maraynkanka.

Wariye Deeq ayaa la sheegay in uu kiiskan soo geliyay nin ay qaraabo yihiin, xarunta warbaahineed ee uu ka shaqeeyana ay ka mid tahay meelaha lagu qaybiyay quudinta caruurta.

Dadka Soomaalida ah ee lagu eedeynayo lunsashada lacagtaas oo markii hore tiradoodu ahayd 47 qof ayaa sii kordhaya, waxaana maalmihii ugu dambeeyay la qabtay dad lagu eedeyanayo kiiskaas oo ka dhoofaya Maraykanka.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka: Maxay tahay sababta loo xiray wariyaha Soomaali ah? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this