Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Dhallinyaro kasoo baxsatay magafaha Libya oo maanta soo gaaray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – 9 ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee Maxaabiista ku ahaa dalka Liibiya ayaa maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada ayaa waxaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay kamid tahay Ergeyga Gaarka ah ee Xuquuqda muhaajiriinta iyo carruurta Amb. Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Soo celinta dhallinyaradaan oo Liibiya ku xayirnaa sannado badan oo Magafe ka soo baxsaday ayaa waxa gacan weyn ka geystay Xafiiska Ergeyga Gaarka ah, kadib markii ay yimaadeen Safaaradda Soomaaliya ee Tripoli si ay dalkooda dib ugu soo laabtaan.

Amb. Maryan oo dadaalkaan soo wadday illaa 2016 ayaa dalkooda ku soo celisay dhallinyaro tiro badan oo ku jiray xabsiyo kala duwan ayaa waxay uga mahad celisay Madaxwenaha dalka iyo Ra’iisul Wasaaraha dadaalka ay galiyeen badbaadda dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii dambe ku hawlaneyd sidii muwaadiniinta Somaaliyeed ee xabsiyada dalalka kala duwan ku jira iyo kuwa ku dhibaateysan ee ku xayiran ay dib ugu soo celin laheyd dalka.

The post Daawo: Dhallinyaro kasoo baxsatay magafaha Libya oo maanta soo gaaray Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this