Sign in to follow this  
Deeq A.

Saleebaan Gaal Arrintiisu Dastuurkaba way khilaafsan tahay…..Garyaqaan Max’ed Jaamac

Recommended Posts

Deeq A.   
Dastuurka in lagu ciyaaro maaha, hadii uu xeerku golaha wakiilada cod kaga baxay waa inuu golaha guurtida cod kaga soo noqdaa, Saleebaan markaa arintiisu dastuurkiibay khilaafsan tahay “
“Sharci iyo sharci daraba haddii mooshinkaasi golihii wakiillada ka soo gudbay go’aanka waxaa laga rabay golaha guurtida ee shirguddoonka guurtida lagama rabin “.
“Xildhibaanada xeerkii ka daba yimi oo soo dacweeyay? Masoo dacweyn karaan, xeerkaasi markuu golaha guurtida ka soo noqdo ayay iyagu go’aan halkaasi ula fadhiyaan waxay ka yeeli lahaayeen marku wakiillada ku soo noqdo “.
Ex. Xildhibaan Garyaqaan Maxamed Jaamac, kana mida mudanayaashii hore golaha wakiillada ayaa tafsiir sharci ka bixiyay xeerkii kartoonka ku jiray ee labada gole isku tuurtuurayeen.
mj.png

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this