Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Malaysia oo iska kaashanaya dhanka Duulista Hawada

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, marwo Fardowsa Cusmaan Cigaal oo ku sugan magaalada Montreal ee dalka Canada, halkaas oo uu ka socdo shirka Hay’adda Duulista Hawada Adduunka ee ICAO  ayaa kulan gaar ah la qaadatay dhigeeda dalka Malaysia , Dr Wee Ka Siong.

Wada-hadalka gaarka ah ayaa looga hadlay sida ay labada dal iskaashi uga yeelan lahaayeen adeegyada Gaadiidka iyo Duulista, iyadoo kulanka uu goobjoog ka ahaa ahaa Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

“ Malaysia , waa mid ka mid ah waddamada  aan dooneyno iskaashi miro-dhal ah inan kala yeelano horumarinta adeegyada Gaadiidka iyo Duulista , waxaana si wadajir ah u xaqiijinay muhiimada ay labada dal arrintaas u leedahay” ayay tiri  Wasiir Fardowsa.

Waxaa ay intaa ku dartay in dowladda Malaysia ay Soomaaliya ka taageerayso farsamada iyo khibrad -wadaag ay ku biirinayaan Hay’adda  Duulista Rayidka Soomaaliya.

Wasiirka Gaadiidka ee Malaysia , Dr Wee Ka Siong ayaa dhankiisa xaqiijiyay sida ay mudnaan u siinayaan iskaashiga Soomaaliya ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Malaysia oo iska kaashanaya dhanka Duulista Hawada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this