Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin hubaysan oo carruur arday ah ku laayay dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Nin hubaysan ayaa toogasho ka geystay dugsi ku yaalla gobolka Udmurtia ee dalka Ruushka.

Toogashada waxa ku dhintay ugu yaraan 15 qof oo ay ku jiraan 11 caruur ah, waana toogashadii afraad ee lala beegsado dugsiyada waxbarashada, ee ka dhacda gobolkaas bilihii u danbeeyay.

Guddida denbibaarista ee Ruushka ayaa Isniintii sheegtay, in ninka weerarka geystay oo lagu magcaabo Artem Kazantsev, inay da’diisu ay tahay illaa 30 jir.

Artem ayaa ka qalin jebiyey dugsiga No. 88 kaasoo ah dugsi ay dhigtaan arday isugu jirta, heerka barbaarinta illaa dhamaadka dugsiga sare.

PUNTLAND POST

The post Nin hubaysan oo carruur arday ah ku laayay dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this