Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Seddax ka mid ah Al-Shabaab oo ku geeriyooday qarax ay aasayeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Buuloburde (Caasimada Online) – Seddax xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ayaa ku geeriyooday qarax miino oo galabta ay ku aasayeen degaanka Baardhabaq oo hoos taga degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Xubnahaas ayaa doonayey in miinooyinka ku qarxay ay ku aasaan wada xariirisa Buuloburde iyo degaanka Baardhabaq, balse ayaga ayuu ku qarxay, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan HirShabeelle.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda iyo masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa gaaray goobta uu qaraxu kula kacay xubnahaas ka tirsanaa Al-Shabaab.

Waxaa la soo bandhigay sawirrada goobta ay miinadu kula kacday 3-daas nin, oo ku hubeysnaa qoryaha AK47, kuwaas oo lasoo bandhigay meydadkooda oo aad u googo’ay.

Al-Shabaab ayaa miinooyin ku aasay inta badan wadooyinka isaga kala goosha deegaanada iyo degmooyinka gobolka Hiiraan, taas oo cabsi badan ku abuurtay dadka iyo gaadiidka ku safraaya dhulka, iyadoo mararka qaarna ay miinooyinku la kacaan dad rayid ah.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa dhawaan shaaciyey in Beledweyne iyo Buuloburde ay isku fureen, isla markaana ay wadada xariirisa ka saareen dhamaan miinooyinkii ay Al-Shabaab ku aaseen.

Shalay ayaa duleedka degaanka Booco oo dhawaan laga qabsaday kooxda waxaa qarax miino lagula beegsaday sarkaal ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka iyo askar la socotay, kaas oo goobta ku geeriyooday.

Hoos ka eeg sawirada halkii ay miinadu kula qaraxday 3-da Shabaabka ah

WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.49.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.50.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.51.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.52.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.54.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.55.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.57.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.26.59.jp WhatsApp-Image-2022-09-26-at-08.27.00.jp

The post Sawirro: Seddax ka mid ah Al-Shabaab oo ku geeriyooday qarax ay aasayeen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this