Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxtooyada oo warqad aanay ogayn Golaha Guurtidu u adeegsaday celinta xeerarkii doorashooyinka ee golaha wakiiladu ansixiyeen.

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxtooyada Somaliland ayaa warqad qarsoodi ah oo ay u soo dirtay shirgudoonka Golaha Guurtida u adeegsatay celinta xeerarkii doorashooyinka ee golaha wakiiladu ansixiyeen todobaadkii hore.
Xog rasmiya oo laga helay amarka Madaxtooyada ka yimi ayaa cadaynaya in warqadaas oo OG lagu siiyay shirgudoonka la soo dhexmariyay Guddoomiye ku-xigeenka golahaasi Siciid Jaamac Cilmi iyo Haweenayda ah agaasimaha lacagta ee Guurtida.
Warqada Madaxtooyada ee amarka celinta Xeerkaas ayaan waxba laga waydiin xildhibaanada gole waynaha Guurtida taas oo ah farogalin qaawan oo dastuur jabin ah taas madaxtooyadu ku samaysay golaha odayaasha ee ka madaxa banaana.
Geesta kale qodobada ay Madaxtooyadu u adeegsatay celinta xeerkaas ayaa dhammaantod waxa loo cuskaday warqad ay ku saxeexnayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada, warqadaas oo laga been abuurtay Xildhibaano aan saxeexin kuwo kalena laba jeer magacyadooda lagu quray.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this