Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisulwasaare Xamse oo Guddoomiyay Shir Looga Hadlay Cadaaladda iyo Garsoorka

Recommended Posts

Deeq A.   
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federalka Soomaaliya, mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoomiyay shirka guddi hoosaadka golaha wasiiradda ee tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo maanta looga hadlay dardar-galinta howlaha hortabinta u leh hay’adaha Caddaaladda oo udub dhexaad u ah helitaanka garsoor madax-bannaan oo soo celiya kalsoonida bulshadu ay ku qabaan hey’adaha Garsoorka dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamay in xukumadda ay ka go’an tahay dhab-u-yagleelidda garsoor madax bannaan oo xaqiijiya wadajirka bulshadda Soomaaliyeed ,maadama cadaalad-darradu ay kamid tahay sababihii na dhaxalsiiyay qaran burburka ku dhacay Soomaaliya.
Tiirka Cadaalad iyo Garsoor madax-banan oo ka mid ah 6-a tiir ee barnaamijka xukumadda Dan-qaran ayaa halbeegyadiisa ugu muhiimsan waxaa kamid ah dib-u-eegista shuruucda iyo Siyaasadaha muhiimka u ah helitaanka Garsoor hufan oo madax-bannaan ,Dhamaystirka heshiiska siyaasadeed ee hannaanka Garsoorka Hay’adaha Cadaaladda,
Kulanka uu hoggaamiyay Xamse ayaa waxaa kale oo diiradda lagu saaray daadajinta Adeegyada Garsoorka iyo dhiiri gelinta xallinta khilaafaadka ku salaysan Xeer Soomaaliga iyo hir-gelinta maamul wanaag ku dhisan isla xsaabtan, dowladihii hore ayaan ku guuleysan dhisma adeegga Garsoorka Madax-bannaan iyo Maxkamadda Dastuuriga ah ee dalka.
307577891_495799459253332_19951552807928
305612458_495799862586625_45782057091665
306087205_495799672586644_52962221072440
308628524_495799565919988_52231736351557
308968881_495799779253300_66841376167520
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this