Sign in to follow this  
Deeq A.

“4ta Gobol Ee Aan Qabsanay Nukliyeer Ayaan Ku Ilaalineynaa…” Wasiirka Arrimaha dibadda Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Arrimaha dibadda Russia ayaa ku gooddiyay in ay Nukliyeer adeegsan doonaan haddii Ukraine ay isku daydo in ay weerarto afarta Gobol ee ay ka socoto aftida ay ku doonayaan inay ku biiraan Ruushka.

Waxaa uu Sergey Lavrov, ka sheegay Shirka Qaramada midoobey in Reer Galbeedka doonayaan in ay Ruushka tirtiraan taasina ayna aqbaleyn oo ay is difaaci doonaan.

“4ta Gobol ee aan qabsanay Nukliyeer ayaan ku ilaalineynaa” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibadda Russia oo wajigiisa laga arki kara cadhada ay u qabaan reer Galbeedka taageerada la garab taagan Ukraine oo wali aan is dhiibin.

Si kastaba, Madaxa Midowga Yurub u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda ayaa sheegay in Midowga Yurub inay indhaha ka qarsan doonin hanjabaadda halista ah ee ka imaaneysa madaxda Ruushka ee ah in dagaalka Ukraine u adeegsan doono hubka Nukliyeerka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this