Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Muxuu James Swan ka ballan-qaaday kulankii uu maanta la yeeshay Xamza?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan muhiim ah xafiiskiisa kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan.

Kulanka ayaa waxa looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Siyaasadda, Ammaanka iyo Arrimaha Bini’aadamnimo ee dalka ka jira, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxa kulanka diirada lagu saaray sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ay saameysay abaarta, kuwaasi oo ku nool deegaano kala duwan.

Danjire James Swan ayaa dhankiisa sheegay in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay dowladda Soomaaliya gacan ka siiyaan barnaamijyada hortabinta u leh qorshaha xukuumadda Dan Qaran.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa muddooyinkii dambe wada kulamo uu la yeelanayo wakiillada Beesha Caalamka, kuwaasi oo fadhigoodu yahay Muqdisho.

Xamza ayaa inta badan saaxiibada beesha caalamka kala hadlayay sidii dowladda Soomaaliya ay taageero ugu fidi lahaayeen arrimaha amniga iyo bini’aadaniimada, xili goballada dalka ay ka bilowdeen dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

308561856_442954327933719_78040598359263 James-swan.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Swan-Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 309040899_442954417933710_38039693766060 309030249_442954374600381_55413648005087

The post Sawirro: Muxuu James Swan ka ballan-qaaday kulankii uu maanta la yeeshay Xamza? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this