Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaan hoostaga gobalka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda oo kaashana dadka deegaanka ay la wareegeen gacan ku haynta deegaanka Moqorki oo kamid ah deegaannada ay alshabaab ku sugnaayeen.

Taliyaha ururka 41aad guutada 5aad qeybta 27aad ee ciidanka xoogga dalka, Cabdi Muumin Cilmi, oo kamid ah saraakiisha ciidamada hoggaaminayso ayaa sheegay in deegaanka ay isaga carareen xubna ka tirsan ururka alshabaab oo ku sugnaa.

Deegaanka Moqori ayaa kamid ahaa, deegaannada ay muddada dheer ay ka talinaysay kooxda, waxaana hadda la sheegay in ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo ciidanka dadka deegaanka ah oo is garabsanaya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this