Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada xoogga dalka ayaa ururka alshabaab kala wareegay deegaanno hoostaga gobalka Baay oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda.

Howlgallo qorsheysan oo ay ciidamada dowladda ka sameeyeen gobalka Baay, ayay kula waregeen tuulooyinka Baayale, Caliyow Dooyow, Xaawa Dhaaysile, Boorame. Karanoy iyo Daawuudow.

Tuullooyinkaan ayaa hoostaga deegaanka Daynuunaay ee gobalka Baay, waxaana ciidamada xoogga weerarka garab socday ciidamada dadka deegaanka oo qayb ka ah howlgallada ka socda gobalada dalka.

309243832_494564692710142_87774561857832
309267450_494564689376809_74532732705298
308521361_494564686043476_49748668939783
308520394_494564696043475_33687704451236
308785052_494564789376799_63533987189499
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this