Sign in to follow this  
Deeq A.

R/W Xamza oo amray Golaha Wasiirada in si deg deg ah…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta guddoomiyay shirka dib u habeynta dhaqaalaha ayaa si qota dheer uga hadlay muhiimadda uu hannaanka deyn cafintu u leeyahay horumarka dalka iyo gaaridda isku filnaashno dhaqaale.  

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wasiirrada ku boorriyay inay xoogga saaraan sidii dhammaan sharciyada hortebinta u leh deyn cafinta la dhammeystiro oo baarlamaanka la marsiiyo ugu dambeyn dhammaadka sanadkaan si shuruudaha xilligaan ku xiran ay Soomaaliya u buuxiso looguna gudbo shuruudaha xiga…

Mudane Xamse Cabdi Barre waxuu caddeeyay in xoojinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta ay qeyb weyn ka qaadanayaan qorshaha horumarinta dowladnimada ee xukuumaddu waddo, waxuuna dhammaan wasaaradaha iyo hey’adaha kale ee uu khuseeyo barnaamijka deyn cafinta ay si dhaw isaga kaashadaan ka guul gaaridda dadaallada socda. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale amray wasiirrada inay si xooggan ula dagaalaan musuqa si loogu guuleysto daahfurnaan iyo hufnaan horseedda in ay sare u kacdo heerka aaminaadda bulshada iyo dhammaan daneeyaasha arrimaha Soomaaliya.  

Ka guul gaaridda barnaamijka deyn deyn cafinta dalka ayaa horseedaya in dhammaan hey’adaha maaliyadda adduunyadu ay aamintaan dalkeenna, la helo maal-gelin heer caalami ah, abuurmaan shaqooyin badan oo dhallinyarada fursad siinaya, si wax-soosaarka guduhu uu sare u koco, dhaqaalaha dalkuna uu kobco.
Xamza-3.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 308838651_442255898003562_22579599629998 308441095_442255861336899_60646493241071 307918912_442255904670228_46748927682943 Xamza-2-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 Saalax-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 308548808_442255851336900_81702951830779 Xasan-Macallin.jpeg?resize=696%2C688&ssl 308395774_442256201336865_56728189159279 Cabdirisaaq-Abdirizak.jpeg?resize=696%2C Been-beene.jpeg?resize=696%2C597&ssl=1 308393069_442255804670238_89444927843894 Golaha-Wasiirada-.jpeg?resize=696%2C464& 308340295_442255901336895_92125964809248 308480383_442255854670233_76062586454258

The post R/W Xamza oo amray Golaha Wasiirada in si deg deg ah… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this