Sign in to follow this  
Deeq A.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Shaaciyay Wakhtiga Ay Ku Qaban Karaan Doorashada Madaxtooyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

“Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu soo saaray go’aamadan;

1.  In Doorashada Madaxatooyada JSL ee u qorshaysnayd in la qabto 13-ka Nov 2022 oo ah bil ka hor dhammadka muddo xilleedka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka, aannay farsamo ahaan, iyo dhaqaale ahaan ba qabsoomi karayn. 

2.  In Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL, farsamo ahaan ku qaban karaa doorashada Madaxtooyada JSL muddo Sagaal (9) billood ah oo ka bilaabmaysa 1st  October 2022.

3.  Gebogebadii Komiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL wuxuu muddadaa Sagaalka (9) billood ah ku diyaarinayaa dhammaan arimaha  farsamo, dhaqaale ee ay u baahan tahay Diiwaangalinta Codbixyeyaasha iyo qabsoomida doorashada Madaxtooyada JSL.

ALLAA MAHAD LEH    

AFHAYEENKA KDQ,”

308563733_5593925040650854_3535707372786 307330432_5593926723984019_6748182616718

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this