Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay Agaasimaha cusub ee Sirdoonka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1663955141524.jpg

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 61 ee 23-da Sibteembar 2022 kuna saabsan magacaabid Agaasimaha  Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo horumarinta iyo dib u habaynta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Dowlada Puntland (PISA).

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/guuto Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Dawladda Puntland (PISA).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

The post Madaxweyne Siciid Deni oo magacaabay Agaasimaha cusub ee Sirdoonka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this