Deeq A. Posted September 22, 2022 Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamo ka tirsan dowladda federaalka iyo Al-shabaab ayaa ka socda deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo dhanka koonfur ka xiga magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug. Wararka ayaa sheegaya in Al-shabaab ay weerarka soo qaadeen, ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. Deegaannada Sino-dhaqo iyo Labidulle oo aad ugu dhow dhow caasimadda waxaa maalmo ka hor Al-shabaab kala wareegay ciidamada dowladda federaalka. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda meel u dhow Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites