Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: MADAALE oo tallaabadii ugu horreysay qaaday, kadibna burburiyey…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo dhowaan xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xalay qaaday tallaabadiisii ugu horreysay ee ka dhanka ah waxyaabaha maanka dooriya

Madaale ayaa hoggaamiyey howlgal ka dhacay isgoyska Fagax, kaas oo lagu burburiyey goobo lagu iibinayey Calaq iyo Xashiish, sida ay sheegeen laamaha ammaanka.

Duqa Muqdisho oo Wariyeyaasha kula hadlay Fagax ayaa shaaca ka qaaday in maamulkiisa uu la dagaalami doono dadka iibiya maan dooriyaha iyo kooxaha ciyaal weerada.

“Ma aqbaleyno magaaladaan in ay noqoto magaalo fasahaad ciyaal weero iyo maan dooriye go’aan adag baa inooga yaalla, caawana waxaa nasiib ah inaan burburinay goobihii Calaqa iyo Xashiishka lagu iibinaayey” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir, isaga oo ka codsaday inay la shaqeeyaan maamulkiisa iyo ciidanka Booliska Soomaaliya.

Howlgalkan ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay howlgallada ay wadaan ciidamada Booliska ee lagu sugayo amniga caasimada.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo dhac baahsan oo ay geysanayaan kooxo burcad ah.

The post Daawo: MADAALE oo tallaabadii ugu horreysay qaaday, kadibna burburiyey… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this