Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Booliiska Puntland oo qaabilay Taliyaha Booliiska UNSOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha cusub ee booliska Unsom waxaana kulanka Taliyaha ku weheliyaya Saraakiil katirsan Ciidanka booliska DPL.

Masuuliyiinka ayaa kawada waxqabadka ciidanka booliska Puntland maadaama ay yihiin saraakiil lataliya yaal ah qaarkamida ay Puntland joogaan,kulanka ayaana ahaa isbarasho furan.

Taliyaha ciidanka Unsom ayaa Taliyaha booliska DPL uga mahad celiayay waxqabadka baaxada leh uu ka qabtay ciidanka booliska Puntland isagoo ku dhiiri galiyay in uu halkaas ka siiwado.

Taliyaha ciidanka Booliska DPL S/guuto Maxamed Cali Xaashi ayaa Taliyaha booliska Unsom uga mahad celiyay taageerada iyo garab istaagaa ay had iyo jeer ula taagan yihiin ciidan booliska Puntland isagoo xusan in ay sii laba jibaaraan.

PUNTLAND POST

The post Taliyaha Booliiska Puntland oo qaabilay Taliyaha Booliiska UNSOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this