Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo sheegay in uu duqayn ku dilay 27 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray khasaaraha ka dhashay duqayn cirka ah oo ay dhowaan ku beegsadeen Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Talisja AFRICOM ayaa looga warbixiyay duqaynta oo 18-kii bishan September ka dhacday nawaaxiga degmada Buula-burde ee Gobolka Hiiraan.

“”Qiimaynta hordhaca ah ee taliska ayaa ah in weerarka lagu dilay 27 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, mana jirto dad rayid ah oo waxyeello kasoo gaartay” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

“Ururada xagjirka ah ee rabshadaha wada sida Al-Shabaab waxay u taagan yihiin khataro mustaqbalka fog ku ah danaha Soomaaliya, gobolka iyo Mareykanka,” ayuu sii raaciyay.

Taliska Afrika ee Mareykanka ayaa ku tilmaamay weerarka socda kii ugu ballaarnaa muddo shan sano ah oo ay fuliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo sheegay in uu duqayn ku dilay 27 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this