Sign in to follow this  
Deeq A.

Lacagta lagu kireeyo Meherrada Masaajidada Ka Dhaca. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Recommended Posts

Deeq A.   
Lacagta lagu kireeyo Meherrada Masaajidada Ka Dhaca.
W/Q: Cali Cabdi Coomay
coomey.jpg
Masuuliyiinka masaajidadu wakhtiyadii hore wax lacag ah kamay qaadi jirin meherrada ka dhaca masaajidada, hasayeeshee markii ay bateen meherradii ayey masuuliyiintii soo rogeen inay lacag ka qaadaan, oo waxa ay arkeen inay fursad lacag samayn ahi ku jirto.
Lacagta laga qaadayo way ku kala duwan yihiin masaajidadu. Tusaale ahaan masaajidada ku yaalla meelaha badhtamaha magaalada ama suuqa ayaa ah kuwa ugu lacagta badan, halka kuwa ku yaalla xaafadaha ama meela ka fog faras magaalaha ay jaban yihiin ama aan wax lacag ahba laga qaadin.
Masaajidada qaarkood waxa laga qaadaa $200 meherkiiba, kaarka meherka lagu geliyo waxa shaambadii hudheelada oo kale ah lagaga soo dhuftaa masaajidka, waxaana si gaar ah looga qaadaan $15. Masaajidada qaarkooda waxa ay ka jaban yihiin kuwa sare, oo waxa laga qaadaa $100.
meherrada masaajidada ku yaalla badhtamaha Hargaysa waa kuwa xaami ah, wuxuu mid ka mid ah shaqaalaha masaajidadu ii sheegay inay maalintii ugu yaraan ay ka dhacaan laba meher ama ay ka bataan oo illaa saddex ama afar gaadhaan. Waxa iyana jirta in meherrada qaarkood habeenkii ay ka dhacaan masaajidada.
Markaa haddii aynu xisaab ahaan u soo qaadanno oo aynu yaranayno, maalintii masaajidka inay ka dhacaan laba meher oo mid kastaa yahay $200, bishii waxa ay noqonaysaa: $400 bishii. Sidoo kale haddii aynu soo qaadanno inay bishii ka dhacaan afar meher oo mid kastaa yahay $200 waxa ay noqonaysaa : 4 x 200= $800 bishii. Masaajidada xaafadaha dhexdooda ayaa ka jaban kuwa suuqa hoose, waxaana laga qaadaa ilaa $100 meherkii. Iyana bishii haddii uu hal meher ka dhaco, waxa ay noqonayaan: $100. Haddii ay laba ka dhacaana waxa ay noqonaysaa:2 x $100= $200. Waa gancasi cusub oo soo kordhay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this