Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo war kasoo saartay cudurka Ebola iyo go’aano cusub oo lagu dhowaaqay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday go’aamo cusub oo looga hortagayo cudurka Ebola oo dhawaan kiisas cusub oo la xiriira cudurkaas laga soo wariyay dalka Uganda.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay inay bilaabeyso baaritaan la xiriira caabuqa Ebola oo lagu sameynayo dhamaan muwaadiniinta iyo musaafiriinta ka imaneysa wadanka Uganda oo uu caabuqa kasoo cusboonaaday.

“Wasaaradda Caafimaadka JFS oo kaashanaysa Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda iyo Hay’adaha Qaranka ee u xil saran ilaalinta xuduudaha iyo marinada isu-gudubka bulshada, waxa ay qaadi doontaa talaabooyin looga hortagayo in uu cudurka soo gaaro dalka, maadaama wadanka Uganda oo hadda laga helay kiisas cusub ay ku nool yihiin Soomaali badan oo u soo socdaala magaalada Muqdisho iyo qeybaha kale ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda caafimaadka ayaa imanaya maalin kadib markii ay Wasaaradda caafimaadka ee dalka Uganda shaacisay in tan iyo sanadkii 2019-kii ay markii ugu horreysay diiwaan-gelisay dhimashadii koowaad ee ka dhalatay cudurka Ebola.

Agaasimaha hay’adda caafimaadka adduunka qaybteeda qaaradda Afrika Matshidiso Moeti ayaa sidoo kale laga soo xigtay inay tahay markii ugu horreysay in ka badan toban sano oo Uganda laga diiwaan-geliyay faraca Ebola ee sanadkii 1976-dii ka dillaacay dalka Suudaan.

Waxaa durtaba feejignaan dheeriya laga dareemaya dalalka dariska oo ayagu ku dhawaaqay tallaabooyin caafimaad oo looga hortagayo cudurka, xili aan weli si buuxda looga soo kabsan saameyntii ka dhalataya Coronavirus.
308101353_463390935814885_15064145954250

The post DF oo war kasoo saartay cudurka Ebola iyo go’aano cusub oo lagu dhowaaqay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this