Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharax Urur-doon oo Waddo Dhuxuleed qaaday+Jawaabta la siiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Musharax Urur-doon oo Waddo Dhuxuleed qaaday

“Somaliland haddii aan anigu Madaxweyne ka noqon karin, haddii aan doorasho Madaxweyne isku taagi karin miyaanu garaadkaygu ku saxsanayn in aanuu Aaminin siyaasadda Somaliland.
Xildhibaannada Golaha Wakiilada Somaliland umay fikirin si qaan-gaadh ah, waxay u fikireen si ka hoosaysa”
Guddoomiyaha Urur-siyaasaddeedka Waaberi, Cabdirisaaq Ibraahim Ataash
May be an image of 1 person and sitting

Jawaab ku socota Ataash:

Atashow. Damaca Sool clan wuu ka weyn yahey fashilka siyaasadda kulmiye ee fashilantey. Qaranimadda somaliland rag baa usoo joogey. Habeen aan hadaladda ku hadleyso ku hadlin. Waxaad dib u baadha. Taariihda raggan AHN
Fagadhe, Dahir Qayaad, Qeybe, Fuad Adan cadde. AHN cali khaliif baa ugu dambeyey. Intaas waxaan kugu daraya. Somaliland Madaxweyne Reer Sool ah wey dooran karta. Balse adiga oo muuse dhabarka ka taabtey. Dariiqu ka lumiyey waxaanda laga dhigey jarjarano aan meelna gaadheyn.
Masiirka darawiishta ma meteli kartid. Xamilkeedina ma lihid. Markaa dalka iyo dadka si fiican u baro. Wali somaliland casharo badan baa ku dhimane. Luuqadda heego aad ku hadleysa shacabku wuu fahmayaa garaadadda ha ceebeynin.
Bashe cali Jama. Casharo badan ka qaado. Marka ina Kaahin ku sheekeeyo galabtii. Habeenkii Baashe wac oo wareyso. Hadii kale bahashu wey ka khaldameysa. Waayo baashe warka laanta oo dhan wuu hayaa. Meelaha aad dhiiqadda cagaha la galeyso ayuu ka ilaalinaya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this