joker Posted August 9, 2006 http://aftahan.com/detailbooks.php?bid=11&category=2 Waxaan akhriyey buuggan oo aan filayo in uu wax weyn ka tari doono kaydinta dhaqankeena. ma doonaysaa in aad ogaato macnaha iyo xikmadda uu magacaagu ku fadhiyo? Ma doonaysaa in aad maahmaaho badan oo soomaaliyeed afka ingiriiska iyo kan soomaaligaba ku barato? ma doonaysaa in ilmahaagu bartaan magacyada Eebbe, sifooyinka nebiga (SCW), Macnaha magacyada xaasaskii nebiga, magacyadii diinta islaamka ka hor geyiga Soomaalida lagala bixi jirey iyo macnahooda...akhri buuggan haddii aad heli karto! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted August 11, 2006 ma doonaysaa in aad ogaato macnaha iyo xikmadda uu magacaagu ku fadhiyo? Ma doonaysaa in aad maahmaaho badan oo soomaaliyeed afka ingiriiska iyo kan soomaaligaba ku barato? Maya! Ma doonaysaa in aad maahmaaho badan oo soomaaliyeed afka ingiriiska iyo kan soomaaligaba ku barato LOL,hadaan ingiris kubarto,yaan ufasiraaya,ileen ilmihi inaan afsomali baro weeyanee? War jaaw,sxb,loool nabadee Quote Share this post Link to post Share on other sites
joker Posted August 11, 2006 Maya walaal anigu ma aanan qorin. Waxaana ku yaal maahmaaho soomaali ku dhigan oo ingiriisna lagu turjumay. Markaan arkay xayeysiiskiisa ayaan iibsaday aadna waan uga helay, deedna waxaan jeclaaday in aan dadka la qaybsado wanaaga buugga iyo murtida ku kaydsan. Qofkii wax akhriya in uu anfici doono ayaan filayaa, laakiin qofkii aan buug ama khris jeclayn in uu wareero ama iska qayliyo maahan. wanaaga waa laysku sheegaa, aniguna waan sheegay, qaado ama ha qaadan. Quote Share this post Link to post Share on other sites