Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaaradaha Heer Dowlad Gobleed iyo Gobolka Banaadir oo Shir u Furmay

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa maanta furay Kulanka wasiirrada heer federaal, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee dhaqangelinta qaab dhismeedka Machadka dowladaha hoose.
Wasiir Fiqi oo kulanka khudbad kooban ka jeediyey ayaa u mahadceliyey qaar ka tirsan wasiirrada maamul goboleedyada iyo madaxa machadka dowlaha hoose ee Banaadir oo goobta joogay, isaga oo ka hadlay ahmiyadda kulamada noocan ah ee looga tashanayo qaab dhismeedka machadka dowladda hoose ay u leeyihiin dowladnimada isaga oo yiri “Dowladda hoose, waa saddexda heer ee dowladaha ka kooban tahay ee dowladaha dhexe, dowlad goboleedyada iyo dowladaha hoose midka ugu mihiimsan, sidaasi darteed ayaan xoogga u saareynaa dhismaha hey’adaheeda maamulka waayo waa midda mas’uulka ka ah horumarinta iyo dhismaha dalka”.
Wasiir Axmed Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri “Wax kasta oo wanaagsan waxaa keena maamul wanaagsan, meel kasta oo maamulkeeda uu hooseeya waa meelaha ugu liidata dowladnimada, machadyadaha dowladaha hoose waa kuwii awoodsiin lahaa dadka si ay u qabtaan hawl wanaagsan”.
Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu sheegay in ay socdaan dhismaha maamullada dowladaha hoose isaga oo yiri “ degmooyin ayaa dhisan, machadkan qeyb ayuu ku lahaan karaa baahinta maamullada dhismaya, maamul goboleedkii waa in ay magacaabaan maamullada macaahidda dowlaha hoose, dhul haddii ay u helaan macaahiddana waan u ololeynaa in la dhiso”.
307848092_642029887289219_21972421604419
307642463_642030027289205_61020007472129
307685374_642030247289183_71474885371900
307662613_642030197289188_66362137248185
307728779_642030717289136_23523968111826

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this