Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Xildhibaan Booroow

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo ka tirsanaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.
“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyaynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Marxuum Maxamed Mursal Boorow. Marxuumku muddo dheer ayuu u soo adeegayey Qaranka Soomaaliyeed” ayaa lagu yirin qoraal lagu daabacay Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo, xildhibaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho, oo uu maanta ku geeriyooday.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this