Deeq A. Posted September 20, 2022 Sideed qof oo ay ku jiraan wadaada kaanisadda Catholic iyo dad kale ayaa la soo warinaya in lagu afduubtay deegaan ku yaalla gobal dhaca koonfur galbeed ee dalka Cameroon. Weerarka lagu afduubtay dadka ayaa ka dhacay kaniisad ku taalla deegaanka Nchang, ee ku yaalla gobalka koonfur galbeed ee dalka Cameroon. Qaar kamid ah hormuudka kaniisadda Catholic ee gobalka ayaa sheegay in kooxaha afduubka gaystay oo aan haybtooda la aqoonin ay hanjabaado u soo dirayeen dadka kaniisadda yimaada tan iyo sanadkii 2016-kii. Dadka ayaa la sheegay in soo deysmadooda lagu xujeeyay in la bixiyo lacag madax furasho si xuriyadooda loo siiyo dadka afduuban. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites