Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad u sameeyey Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Muqdisho Mr. Fei Shengchao, kaas oo ay ka wada-hadleen arrimo dhowr ah.

Xamza iyo Shengchao ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada gurmadka abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Xamza.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa saaka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shengchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhinacyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaariicda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay saameysay abaarta.

Dhankiisa safiirka Shiinaha oo kulanka ka hadlay ayaa ku dhowaaqay ballan-qaad cusub, wuxuuna sheegay in maalmaha soo socda dekedda weyn ee Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cunto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka gacan siiyaa mashariicyo horumarineed, isaga  oona horey uga qaybqaatay gurmadka abaaraha.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay abaarta ka jirta dalka oo ah tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, taas oo saameysay qoysy badan.

307952893_439149611647524_73266723268305 307558580_1997245783794588_8511306327001

The post Sawirro: Shiinaha oo ballan-qaad u sameeyey Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this