Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaanka Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya ay maanta  Al-shabaab kala wareegeen degaan muhiim ah oo ku yaalla Gobolkaas.

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya ciidamo u dhashay degaanka ayaa sida wararku sheegayaan Al-shabaab ka saaray degaanka Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Ciidamada ayaa la wareegay xaruntii guud ee Al-shabaab ku lahayd degaanka Booco ee Gobolka Hiiraan sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa sidoo kale warbaahinta u xaqiijiyay in aysan la kulmin wax dagaal ayna sii wadi doonaan howlgalkaas.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo Al-shabaab kala wareegay degaanka Booco oo ka tirsan Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this