Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Booroow oo Muqdisho ku geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaah u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Mursal Booroow oo kamid ahaa mudanayasha golaha shacabka.

Xildhibaanka ayaa ahaa mid laga soo doortay deeggannada maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, waxaana muddooyinkii la soo dhaafay uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

September sanadkii 2018 ayay ahayd markii xildhibaan Booroow uu dhaawac uu ku waayay mid kamid ah gacmihiisa uu ka soo gaaray qarax lala beegsaday.

Geerida xildhibaanka ayaa waxaa xaqiijiyay ehelada xildhibaanka.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this