Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo xalay geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Shacabaka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka iyo dhammaan ummada Soomaaliyeed Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow oo xalay ku geeriyooday magalada Muqdisho.

“Waxaan murugada iyo xanuunka la qaybsanayaa qoyska, ehelada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed geerida ku timid Alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Mursal Boorow,” Ayuu yiri Guddoomiye Sheekh Aadan.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay in Marxuum Booroow uu ahaa halyeey waqtigiisa inta ugu badan ugu soo shaqeeyey dalkeena, Isla markaana door weyn kulahaa dowlad dhiska Soomaaliya

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Alle uga baryey marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo samir iyo Iimaan ka siiyo qoyskiisa Xildhibaannadda Golaha Shacabka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo xalay geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this