Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay 

Recommended Posts

Deeq A.   
1-11.jpg

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, H.E. Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa ka qayb-galay xafladda furitaanka kal-fadhiga 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu qabtay magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirarka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah  oo ay ugu horreeyaan cunno yarida,  tamarta,  shaqo la’aanta, awood-siinta haweenka, isbeddelka cimilada iyo waxbarashada.

Wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulamo aan caadi aheyn la qaadan doona qaar ka mid ah madaxda dowladaha gobolka  iyo wasiirada arrimaha dibadda iyo sidoo kale wakiilo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Kulamadan ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka iyo ururadan si kor loogu qaado iskaashiga istiraatiijiyadeed.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qeyb gashay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay  appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this