Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Gaashaan-dhiga Xisbiga WADDANI, Oo Kulan Layeeshay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada Caynaan ee Barriga Burco.

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Gaashaan-dhiga Xisbiga WADDANI, Md. Rashiid Macalin Oo Kulan Layeeshay Garabyada Haweenka iyo Dhalinyarada Caynaan ee Barriga Burco.

Rashiid-Macalin4-300x160.jpg

Xoghayaha Gaashaan-dhiga Xisbiga WADDANI, Md. Rashiid Cabdilaahi Maxamed (Rashiid Macalin) ayaa kulan casho-sharaf ah ku maamuusay Garabka Haweenka iyo Garabka Dhalinyarada Caynaan ee Bariga Burco, waxaana kulankan casho-sharafta ah lagu falanqeeyey laguna lafa-guray marxada xasaasiga ah ee wadanku maraayo.

Xoghayaha Gaashaan-dhiga Xisbiga WADDANI, Md. Rashiid Macalin, oo ugu horeyn ka hadlay munaasibada ayaa waxa uu xubnihii ka socday garabyadan Haweenka iyo dhalinyarada Caynaan ee Barriga Burco, waxa uu uga xog-waramay xaalada guud ee dalku ku jiro iyo sida loogu baahan yahay in garabkoodu kaalinta kaga aadan ay ka qaataan. Xoghaye Rashiid Macalin, ayaa sidoo kale waxa uu xubnihii kasoo qayb-galay kulankan ku booriyey inay dhankooda u diyaar-garoobaan isla markaasina ay dardar-galiyaan dadaalka loogu jiro sidii dalka looga hirgalin lahaa isbedel siyaasadeed oo xisbigooda Waddani hogaanka siyaasadeed ee dalka ku hogaamin-lahaa.

Gabagabadii kulankan oo kusoo dhamaaday isfahan iyo guul ayaa waxa la iskula qaatay sidii looga hawlgali lahaa xal siyaasadeed oo lagu furdaamiyo xaalada cakiran ee dalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this