Sign in to follow this  
Deeq A.

Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo Gargaar Gaarsiisay Cadaado iyo Ceelbarde

Recommended Posts

Deeq A.   

Hey’adda maareyta musiibooyinka dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shinxnado gargaar waxaa ay gaarsiisay qeybo ka mid ah gobollada Galgaduud iyo Bakool, oo ay ka jirto abaar baahsan oo dadka iyo duunyada saamaysay.

Hey’adda ayaa sheegtay in deeqdaan looga jawaabayo baaq kasoo yeeray bulshada ku dhaqan degmooyinka Ceelbarde iyo Cadaado oo Bokool iyo Galgaduud kala  tirsan, waxaana gaaray labada magaalo laba diyaaradoo siday shixnado kale duwan.

Deeqdaan ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa iyadoo gobolladaan ay ka jiraan xaalad nololeed oo aad u adag oo ka dhalatay in Bokool ay go’doomiyeen Al-shabaab iyo Galgaduud oo ay ka jiraan abaaro iyo dagaallada Al-shabaab oo is biirsaday.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this