Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Tiirka Amniga iyo Xoraynta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1663595863005.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulanka Tiirka Xorreynta iyo Sugidda Amniga, kaas oo loogaga arrinsanayey howlgallada socda ee ka dhanka ah Alshabaab iyo kacdoonka dalka lagaga xoreynayo.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha dib-u-xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-shabaab iyo xasilinta goobaha la xoreeyo, si loo gaarsiiyo dowladnimada iyo adeegyada bulshada ee ay nabad-diidka ka curyaamiyeen.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey ciidamada geesiyaasha ah oo kaashanaya bulshada ee ku guuleystay xoreynta deeganno ay ku dhuumaaleysanayeen nabad-diidka, isagoo tilmaamay muhiimadda baraarugga shacabku uu u leeyahay qorshaha xoreynta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Hay’adaha Amniga iyo ciidamada Soomaaliyeed dadaalka ay ugu jiraan habeen iyo maalin xaqiijinta amniga shacabka, waxa uuna sheegay in Xukuumadda ka go’an tahay in guud ahaan dalka laga xorreeyo nabad-diidka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Xamse oo shir-gudoomiyay Tiirka Amniga iyo Xoraynta dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this